Hoppa till sidans innehåll

Information - somaliska


Här nedanför finner du lite information om vad som gäller på träning, match och att vara medlem i en ideel förening - texten är på somaliska.

 


Kooxdeena dhallinyaradda-warbixin waalidiinta kusocota

Waan ku faraxsanahay inaad nala ciyaarto kooxda IF ee floby/Grolanda. Waxaan rajaynayanaa in adiga iyo wiilkaga ama Gabadhada ay ka heli doonaan kooxda. Waxaan rabnaa in aan halkaan idiinku sheegno shuruucaha jira tababarada iyo
ciyaarahayaga.

 


Xilliga tababarka.


Soo qaado dharka (maaliyada) Kabaha iyo difaca lugaha, kabaha banaanka iyo gudaha midkii loo baahdo.


Waa inaad goobta diyaar ku ahaataa kahor inta aan tababarku bilaaban.


Haddii aadan ka qayb qaadan karin, soo sheeg oo farriin soo dir si loo ogaado.


Dhagayso oo maqal tababaraha kooxda.

 




Ciyaaraha iyo koobabka.


Soo qaado dharka ciyaaraha iyo kabaha iyo difaaca lugaha (baasajeeri)


Diyaar ku ahaw goobta kahor inta aan xaadirinta bilaaban.


Haddii aadan ka qayb geli galin ciyaarta soo socota usoo sheeg tababaraha dhawr maalmood kahor.


Dhagayso oo maqal hogaamiyaha kooxda.

 



Gunnada ka midnoqoshada.


Haddii uu qof ka ciyaarayo mid ka mid ah kooxahayaga haddii uu jaaliyad ka tirsanyahayiyo haddii kaleba waa inuu bixiyaa lacagta ka mid noqoshada kooxda ee sanadlaha ah. Gunnadaas waxaa weeye 250kr sanadka oo dhan. Waxaa loo
dhiibi karaa mid kasta oo ka mid ah tababarayaasha ama kusoo diri
kartaa Bankigiro. Adigu wiil ahaan waad dooran kartaa kooxda aad ka
mid noqonayso Floby IF ama Grolanda IF. Sidoo kale ka gabar ahaana
waad dooran kartaa, laakiin markii aan dhisayno koox wada tababarata
waxaa toos loo soo wada marayaa Floby IF ood kamid noqonayso.


Qofku wuxuu bixinayaa lacagta ka midnoqoshada si uu u helo banooniga, dharka
ciyaarta, kirada hoolka, I.W.M, marka waa muhiim lacagta ka midnoqoshada.

 


Shaqada samafalka

Markii uu qofku naga mid noqdo waa inuu ka qayb qaataa iscaawinta iyo waxyaabaha yaryar taas oo gaari karta in la tago maqaaxi oo cuntada la iska bixiyo, ama haambeegar lagu waxaysto/lagu shiisho, ama dhar lagu iibsado. Waxay ku xirantahay ururka uu ka tirsanyahay qofku waxaana jira shaqooyin
kala duwan oo la iska caawiyo. Waalidku waa inuu ka qayb qaataa
caawinta. Markii ay carruurtu gaarto 14.16 sano waxay carruurtu
markaas wax ka caawinayaan waxyaabo kala duwan.

 

Si diiran ugu soo dhawaada Floby IF ama Floby/Grolanda IF


Haddii aad su’aal qabto wac ama farriin u dir lambarkan 0703685889. Mattias Stridh ama email u dir cinwaankan: This is a mailto link

 

Uppdaterad: 2015-04-08 18:57
Skribent: Mattias Stridh

 

Lundgrens-bingo

Axima

Intersport

Golv och Färg interiör AB

 

 

 

 

 

Postadress:
Floby IF - Fotboll
Köpmansgatan 3
52151 Floby

Kontakt:
Tel: +4651541232
E-post: This is a mailto link

Se all info